Waa maxay Barnaamijka Dejintu?

Barnaamijka Dejintu wuxuu caawimaa dadka yimid Australia shanti sano oo ugu dambaysay si ay dhisaan awoodooda, xoojinta dareenka lahaanshaha iyo wanaajinta isdhexgalka bulshada.


Casework

Barnaamijkayaga la shaqaynta xaalladeed waxaa ka mid noqon kara xiriirka maxaliga ah iyo adeegyada, kaalmaynta gurisiinta, helida waxbarasho iyo shaqo, helida daryeel caafimaad iyo dhisida xiriirada dhaqameed.

Iyada oo ku salaysan awoodaha iyo baahiyaha shakhsiyeed waxaanu horumarinaa awooda ka qaybgalaha iyo kalsoonida si loo hello adeegyada kaalmada, xoojinta xirfadaha nolosha iyo ka qaybgelida waxqabad bulsho oo macna samaynaya.


Horumarinta bulshada

Barnaamijkayaga horumarka bulshadayada waxaa ka mid ah kooxa la caawimay, kulama iyo macluumaad kala qaadasho in la siyaadiyo aqoonta dadka iyo fahamka mawduucyada muhiimka ah oo khuseeya kooxda iyo qoysaskooda markay la qabsanayaan nolosha Australia.

U-qalmida

Adeegyada waxaa la siiyaa kuwa xaqa u leh shantooda sano oo ugu horraysa noloshooda Australia mawduucyada asaasiga ah ee soo soocda:

  • Kuwa ku yimid habka aadamiga
  • Soogalootiga qoys raaca ah oo ingiriiskoodu xadadan yahay
  • Noocyada kale ee fiisooyinka iyo deganayaasha la xushay ee ku meel gaarka ah

Sidee Barnaamijka Degitaanku u shaqeeyaa?

Shaqaale ayaa caawima ragga dhowaan yimid oo xaqa u leh, dumarka iyo qoysaska asal ahaan ka soo jeeda qaxooti kaalmo hab lagula shaqaynayo iyo horumarinta awoodgelinta bulshada, sida waafaqsan baahidooda ka qaybgelida.

Waxaanu isticmaalaa hab ku salaysan awoodaha, qaabka ku salaysan wixii qofku soo maray, aqoonsiga iyo dhisida xirfadaha bulshada iyada oo la kaalmaynayo hab dhaqan oo wax ku oolla bulshooyinka dhexdooda. Waxaa jira diirad saarida dhisida awooda iyo kaalmaynta soogalootiga cusub iyo qaxootiga si ay si buuxda uga qaybgalaan bulsha weynta reer Australia, iyada oo la ilaalinayo xiriirinayo xiriirada dhaqameed.

Barnaamijyada dejintu wuxuu isticmaalaa hab shaqsiga ku salaysan si loo dhiso kalsoonida iyo awooda dadka dhowaan yimid Australia. Waxaan u halganaa in aan caawino dadku inay dareemaan degitaan rasmiya Australia lagana caawimo dhisida aqoon ku salaysan heer bulsho iyo mid shakhsiyeed.


Maxay yihiin hawlaha la qabtay?

Barnaamijyadu waa kala duwan yihiin laakiin waxaa ka mid noqon kara mawduucyo la xiriira talada caafimaadka, kaalmada waalidnimada, isu-hadlida, saamaynta u soo safrida Austrlia, la qabsiga bulshada iyo xoojinta wax ka qabshada baahida dumarka, dadka waaweyn ama dhalinyaro kooxa gaara.


Sidee ugu soo gudbin karaa dad Barnaamijka Dejinta?

Ma jirto soo xawilid rasmi ah oo barnaamijka Dejinta. Qof kasta oo doonaya inuu sameeyo soo xawilid ama is-xawilid ama raadinta macluumaad siyaada ah ayaa la xiriiri kara shaqaalaha Xafiiska Barnaamijka dejinta ee xafiiska Sunshine, haddii kale email ugu dir foomka xawilaada.

Nagala xiriir

16 Withers St, Sunshine VIC 3020
Tel: (03) 8595 2438
Email: settlement@jss.org.au

St. Albans East Primary School
Station Ave, St. Albans VIC 3021
Days of operation: Wed–Fri
Tel (03) 9310 7536

settlement@jss.org.au
www.jss.org.au

Mutarjum

Adeegyada Bulshada ee Jesuit waa urur bulsho oo u shaqeeya habka dhisida bulsho cadaalad ah halka dhamaan dadku ay u noolaan karaan sida ugu fiican noloshooda. Barnaamijka dejintu waa adeeg uu ka mid ah yahay LGBTI.